| |
El período embrionario (Las primeras 8 semanas)
Desarrollo embrionario: Las primeras 4 semanas
Capítulo 3 Fecundación
|
| |
| Iyadoo bayolojiya ahaan laga hadlayo,
koridda benii aadamku waxay ka bilaabataa
kulanka unugyada labka iyo dheddiga,
marka naagta iyo ninku
midkoodba isu geeyaan
23 kormosoomyadooda
iyadoo loo marayo kulanka
unugyadooda taranka.
Naagta unuggeeda taranka waxa sida
caadiga lagu magacaabaa "ukun"
laakiin magaca saxa ah waa "uusayt".
Sidoo kale, unugga taranka ninka
waxa aad loogu yaqaan "isberm"
laakiin magaca la doorbido
waa isbermatosoon.
Kaga soo deynta uusayt naagta
ukumo-galeenkeeda
falgal la yiraahdo ukumeyn kadib,
ayaa uusayt iyo
isbermatosoon isugu tagaan
dhuumaha minka middood,
oo badanaa la yiraahdo
dhuumaha Fallobian-ka.
Dhuumaha minka waxay isku
xiraan naagta ukumo-galeenkeeda
Iyo minkeeda ama makaankeeda.
Embriyaha hal-unuglaha ah oo ka
soo baxa waxa la yiraahdaa saygoot,
macnaheedu "isku
xakameysaan ama xiran".
|
Capítulo 4 ADN, división celular y factor temprano de embarazo
|
| |
| 46da kromosoom ee saygood-ka waxay
mettelayaan sameyska
koowaad u gaarkaa
naqshad fireedda aasaasiga oo
dhammeystiran ee ruuxa cusub.
Qorshaha weyn wuxu ku
jiraa moleekule-yaal
si adag isugu-marooqsan
la yiraahdo DNA.
Waxay wadaan tilmaamaha koritaanka
ee dhammaan jirka.
Moleekuleyaasha DNA-ga waxay
u egyihiin jaranjaro marooqsan
loo yaqaan galool lammaanan.
Marooqyada jaranjarada waxay ka
sameysan yihiin moleekule lammaanane ah,
ama salal,lagu magacaabo gu'anayn,
saytosayn, adenayn, iyo thaymiin.
|
| Gu'anayn waxay ku lammaansantaa
saytosayn oo keliya,
adenayn-na thaymiin.
Unug kasta ee benii aadan waxaa
ku jira taqriiban 3 bilyan
ee lammaanayaashaan salka ah.
DNA-ga halka unug wuxu sidaa
warbixin aad u farabadan
oo haddii lagu metteli
lahaa erayo daabacan,
iyadoo un la taxayo xarafka
koowaad ee sal walba
waxa loo baahan lahaa 1.5
milyan oo bogag qoraal ah!
Haddii la fidiyo min dhammaad
ilaa dhammaad,
DNA-ga halka unug benii aadam cabbirkiisu
waa 3 1/3 cag
ama 1 miter.
|
| Haddaan kala furfuri lahayn
dhammaan marooqyada
DNA-ga ee 100 trilyan
unug ee qaangaarka,
waxay ku fidsami lahayd
63 bilyan ee mayl.
Masaafadu waxay gaareysaa min dhulka
illaa qoraxda iyo soo noqod
340 jeer.
|
| Taqriiban 24 illaa 30 saacadood kulanka
unugyada lalka iyo dheddiga ka-dib,
saygoot-ku wuxu dhammeystirayaa
kala qaybsamidda unugga koowaad.
Iyadoo loo marayo hawlgalka maytosis,
halka unug wuxu u kala qaybsamaa labo,
labadu afar, sidaas bayna u socotaa.
|
| Ugu horreyntii 24 illaa 28 saac kulanka
unugyada labka iyo dheddiga kadib,
ayaa uurka la xaqiijin karaa
iyadoo laga arko hormoon
lagu magacaabo "cunsurka hore
ee uurka" dhiigga hooyada.
|
Capítulo 5 Etapas iniciales (mórula y blastocito) y células madre
|
| |
| 3ta illaa 4ta maalmood kulanka
unugyada labka iyo dheddiga kadib,
unugyada kala qaybsamaya ee embriyaha
waxay qaadanayaan qaab goobaabin
embriyahana waxa lagu
magacaabaa morula.
4ta illaa 5ta maalmood, god ayaa ka
sameysma kubbadda unugyada gudaheeda
embriyahana waxa kolkaa lagu
magacaabaa blastosist.
Unugyada gudaha blastosist-ka
waxa lagu magacaabaa cufka
unugga gudaha hoose
waxana ka soo baxa madaxa,
jirka, iyo qaabab kale
muhiim u ah beenii aadamka koraya.
Unugyada ku jira cufka
unugga gudaha hoose
waxa lagu magacaabaa unugyada jirridda ee
embriyaha waayo waxay karti u leeyihiin
inay sameeyaan midkasta ee
noocyada unug ee 200 ka badan ah
ku jira jirka benii aadamka.
|
Capítulo 6 1 a 1½ semanas: implantación y gonadotropina coriónica humana (GCH)
|
| Kolka u hoos ugu safro
dhuunta minka kadib,
Embriyihii bilowga ah
wuxu isku dhejiyaa
minka hooyada darbigiisa
gudaha hoose ah.
Hawlgalkan, lagu magacaabo ku tallaalmid
Waxay bilaabataa maalinta 6da
waxayna dhammaataa 10-12 maalmood kulanka
unugyada labka iyo dheddigga kadib.
Unugyada embriyaha koraya ayaa
waxay sameynayaan hormoon
lagu magacaabo human koriyonik
gonadotorobin, ama HCG,oo ah
walaxa lagu arko badanaa
baaritaannada uurka badankooda.
HCG wuxu ku amraa
hormoonnada hooyada
inay joojiyaan meerteysiga
caadiga ah ee caadada,
taasoo u oggolaaneyo
uurku inuu sii socdo.
|
Capítulo 7 La placenta y el cordón umbilical
|
| Ku tallaalmidda kadib,
unugyada dhanka dibedda
xiga ee blastosist
waxa ka soo baxa qayb qaab
lagu magacaabo mandheer,
oo ka dhex shaqeysa qaababka
wareegga dhiigga ee hooyada
iyo embriyaha.
Mandheertu waxay gaarsiisaa
oxygen, nafaqo,
hormoonno, iyo daawooyin ee
hooyada benii aadamka koraya;
waxay bixisaa soo-saarka
qashinka ah;
waxayna horistaagtaa in dhiigga
hooyadu ku qasmo dhiigga
embriyaha iyo uurjiifka.
Mandheertu waxay kaloo
soo saartaa hoormoonno
waxayna ku haysaa kulka jirka
embriyaha ama uurjiifka
wax in yar ka sarreeya
kan hooyada.
Mandheertu waxay la leedahay
benii adam koraya isgaarsiin
mareysa xididdada xarigga xuddunta.
Kartida taageeridda nalosha ee
mandheerta waxa la tartamaan kuwo
qaybaha xannaanada sare oo
deg-degga ee isbitaallada casriga.
|
Capítulo 8 Nutrición y protección
|
| |
| Usbuuca 1da,
unugyada cufka unugga guda hoose
waxay sameynayaan labo lakab
lagu magacaabo
hayboblast
iyo ebiblast.
Haypoblast waxa ka soo baxa
koleyga nafaqada,
oo ka mid ah qaababka ay mariso
hooyadu nafaqada ay siinayso
embriyaha bilowga ah.
Unugyada ebiblast waxay sameeyaan
xuub lagu magacaabo amniyon,
oo gudihiisa embriyuhu
dabadeedna uurjiifku
ku kooraan illaa dhalashada.
|
Capítulo 9 2 a 4 semanas: capas germinales y formación de órganos
|
| |
| Taqriiban 2 1/2 usbuuc,
ebiblast wuxu sameeyay
3 cuf-ungyo oo takhassus leh,
ama lakabyo dhala xubno,
lagu magacaabo ectoderm,
endoderm,
iyo mesoderm.
Ectoderm waxa ka soo baxa
qaabab badan
ay ka mid yihiin maskaxda,
xarigga lafdhabarta,
dareemeyaasha,
maqaarka,
ciddiyaha,
iyo timaha.
Endoderm wuxu sameeyaa
dahaarka qaabka neefsashada
iyo dheefshiid mareenka,
waxana ka sameysmo
xubnaha ugu waaweyn
sida beerka
iyo beer-ku-taasha.
Mesoderm wuxu sameeyaa wadnaha,
kalyaha,
lafaha,
carjawda,
muruqyada,
unugyada dhiigga,
iyo qaabab kale.
|
| Usbuuca 3da
maskaxdu waxay u qaybsameysaa
3 qayb asaasi ah
lagu magacaabo maskax-hore,
maskax-dhexe,
maskax-gadaale.
Sameysamidda qaababka
Neefsashahda iyo dheefshiidka
ayaa kaloo socda.
|
| Marka ay unugyadii
dhiigga ee u horeeyay
ay ka soo baxaan koleyga dheefta,
xididdo dhiig ayaa ku sameysmayo
dhammaan embriyaha,
wadnuhuna ahaan buu ku soo baxaysaa.
Ku dhawaad islamarkiiba,
wadnaha dhaqsuu u qorayaa
wuu isku duubmaa
iyadoo qolal gaara
ay bilaabanayaan inay sameysmaan.
Wadnuhu wuxu bilaabayaa garaac
3 usbuuc iyo hal maalin
kulanka unugyada labka
iyo dheddiga kadib.
Qaabka wareegga dhiigga
waa qaabka koowaad ee jirka,
ama kooxo xubno wada xiriira,
gaara xaal hawlqabad.
|
Capítulo 10 3 a 4 semanas: el plegamiento del embrión
|
| |
| Usbuucyada 3da iyo 4ta dhexdooda,
qorshaha jirka ayaa soo baxaya
madaama maskaxda,
xarigga lafdhabarka,
iyo wadnaha embriyaha
si sahlan loo aqoonsan karaya
Iyagoo uu weheliyo
koleyga nafaqadu.
Koriimo degdeg ah waxay
sababeysaa laablaabmid
embriyaha oo illaa-xad fidsanaa.
Hawlgalkaan wuxu ku xirayaa
qayb kolayga nafaqada
dahaarka
qaabka dheefshiidka
waxayna sameeyneysaa xabadka
iyo godadka caloosha
ee benii aadamka koraya.
|