Skip Navigation

National Geographic Society Este programa se distribuye en los Estados Unidos y Canadá por National Geographic y EHD. [obtenga más información]

DVD ilustrado plurilingüe

La biología del desarrollo prenatal




BAYOLOJIYADA KORITAANKA DHALASHADA KA HOR

.Somali


 

Descargar versión en formato PDF  ¿Qué es PDF?
 

Capítulo 1   Introducción

Hawgalka firfircoon ee hal-unug benii aadam saygoot uu ku noqdo 100-trilyan-unug waaweyn waxa laga yaabaa inay tahay dhacdada ugu cajiibsan ee dhammaan dabiicadda.

Baareyaashu waxay haatan ogyihiin in qaar badan oo falgalka caadi ah oo uu qabto jirka qaangaarka ah ay aasaasmeen xilligii uurka marar badan dhalashada ka hor in badan.

Muddadda koritaanka dhalashada ka hor waxaa si isoo tareysoo loogu fahmay waqti diyaargaroow ahaan oo gudihiisa benii aadamka koraya uu yeelanayo qaabab badan, dhaqan gelinnayana xirfado badan, oo loo baahan yahay si loo badbaado dhalashada ka dib.

Capítulo 2   Terminología

Uurka benii aadamka wuxu sida caadiga ah socdaa taqriiban 38 usbuuc marka laga xisaabiyo waqtiga kulanka unugyada labka iyo dheddiga ama abuuranka, illaa dhalashada.

8da usbuuc u horreya oo ku xiga kulanka unugyada labka iyo dheddiga benii aadamka koraya waxaa lagu magacaaba embriyo oo macnaheedu yahay "gudo ku korid". Waqtigan, lagu magacaabo xilliga embriyaha waxaa qeexa sameysanka qaababka ugu waaweyn ee jirka.

Min dhammeystirka 8da usbuuc illaa dhammaadka uurka, benii aadamka koraya waxa la yiraahdaa"fiitus", oo macnaheedu yahay "uurjiif". Waqtigan gudihiisa, oo lagu magacaabo xillida uurjiifka jirko wuu sii weynaadaa qaababkiisuna waxay bilaabaan inay shaqeeyaan.

Dhammaan da'da embriyaha iyo uurjiifka ee baarnaamijkaan waxay tixraacayaan min waqtigii kulanka unugyada labka iyo dheddiga.