Skip Navigation

National Geographic Society Este programa se distribuye en los Estados Unidos y Canadá por National Geographic y EHD. [obtenga más información]

DVD ilustrado plurilingüe

La biología del desarrollo prenatal




BAYOLOJIYADA KORITAANKA DHALASHADA KA HOR

.Somali


 

Descargar versión en formato PDF  ¿Qué es PDF?
 

El embrión de 8 semanas

Capítulo 30   8 semanas: desarrollo del cerebro

Usbuuca 8da maskaxdu aad bay u horumarsan tahay waxayna tahay ku dhawaad miisaanka dhan ee jirka embriyaha barkiis.

Koriimadu waxay ku socotaa xawli xad-dhaaf ah.

Capítulo 31   Cualidad de diestro y zurdo

Usbuuca 8da, 75% embriyeyaasha waxa ka muuqda awood dheerada ee gacan-midigle. Waxa haray waxay ugu qaybsan yihiin si isle'eg awood dheerada ee gacan-bidxle iyo kala doorbidid la'aan. Tan waa daliisha ugu horreysa ee dhaqan gacan ku midigle ama bidixle ahaansho.

Capítulo 32   Voltearse

Buugaagta takhtaridda carruurta waxay tilmaamayaan karti "is-gaddin" inay muuqato 10 ama 20 usbuuca dhalashada kadib. Laakiin, isku-duwiddaan cajiibka ah waxay ku muuqataa xilli sii hore bii'adda leh quwad-jiidasho dhul oo hooseysa ee koleyga amniyon-ka dareeruhu-ka-buuxo la'aanshaha awoodda loogu baahan yahay oo kaliya si looga guuleysto quwad-jiidashada dhulka sarreysa ee minka dibeddiisa ayaa ka horistaageysa dhallaanka inuu is-geddiyo.

Embriyuhu wuxu noqonayaa mid sii firficoon jismi ahaan xilligaan gudahiisa.

Dhaqaaqu wuxu noqon karayaa aayar ama dhaqsi, fardi ama soo-noqnoqod, fal iska dhaca ama ka jawab-celin automaatik ah.

Madax warejin, qoor taagid, iyo ku taabasho gacanta wajiga waxay dhacaan marar ka sii badan.

Taabashada embriyaha waxay keeneysaa indho dabid, dhaqdhaqaaq qalka, dhaqaaq qabsasho, iyo suul fiiqid.

Capítulo 33   Fusión de los párpados

Usbuuca 7da iyo 8da dhexdooda, baalalka isha ee kore hoose si dhaqsi ah bay ugu koraan indhaha korkooda dhan ahaan bayna isqabsadaan.

Capítulo 34   Movimiento respiratorio y micción

Inkastoo uusan minku lahayn hawo embriyuhu wuxu muujinayaa dhaqaaq neefsasho kala go'aysa usbuuca 8da.

Xilligan, kelyuhu waxay sameynayaan kaadi oo lagu sii deynayo dareeraha amniyon-ka.

Embriyaha labka ah, xiniinyaha koraya waxay bilaabayaan inay sameeyaan siina-daayan testosteroon.

Capítulo 35   8 a 9 meses (32 a 36 semanas): formación de alvéolos, agarre firme, preferencias de sabor

Lafaha, kala-goysyada, muruqyada, dareemeyaasha, iyo xididdada dhiigga ee addimmada waxay aad ugu eg-yihiin kuwa qaangaarka.

Usbuuca 8da epidermis, ama maqaarka sare, wuxu noqonayaa xuub lakbyo badan, oo lumiya khafiifnimadiisa layska arkayo badankeeda.

Sunniyadu waxay soo baxaan islamarka ay timo ka soo muuqanayaan afka wareeggiisa.

Capítulo 36   Resumen de las primeras 8 semanas

Siddeeda usbuuca ah wuxu calaamad u tahay dhammaadka xilligii embriyaha.

Waqtigaan gudihiisa, embriyaha benii aadamku wuxu koray min hal unug illaa ku dhawaad 1 bilyan unugyo oo sameeya 4,000 qaab dhisme-jireed kala duwan.

Embriyuhu wuxu haatan leeyahay ka badan 90% qaabab laga helo qaangaarka.